Warar dheeraad ah waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay weerar saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay qeybo ka mid ah wilaayada shabeelada hoose ee koonfurta dalka soomaaliya,
Ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidin waxey kamiin u dhigeen maleeshiyaat ka tirsan dowlada federaalka oo ku socdaalayay inta u dhaxeysa deegaanada awdheegle iyo numbar50 ee shabeelada hoose.
Inta la xaqiijiyay weerarka dhabba galka ah waxaa lagu dilay saddex askari oo ka tirsanaa maleeshiyaatka dowlada ridada waxaana lagu gubay hal moota oo ay askarta federaalka wateeen.
Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin waxey kamiinkaas kusoo furteen saddex qori iyo booshashkooda.
Saacadihii lasoo dhaafay waxey ciidamada mujaahidiintu dagaallo saf mar ah ku qaadeen saldhigyada shisheeyaha iyo kuwa ridada ee deegaanada arbacow,bariire,sabiid,hoosingow iyo taabta oo ka kala tirsan wilaayaatka jubbooyinka iyo shabeelada hoose.
Calamada.com