Wararka ka imaanaya dagmada Diinsioor ee gobolka Baay ayaa sheegaya in saacadihii lasoo dhaafay halkaasi uu ka dhacay weerar lagu dilay askar ka tirsan maamulka Riddada ah ee Koonfur-galbeed.
Dilkan ayaa waxaa ka danbeeyay mid ka mid ah maleeshiyaadka Riddada, waxaana la sheegay in laba askari uu ku toogtay gudaha saldhigga dagmada Diinsoor ee gobolka Baay, dadka deegaanku waxay sheegeen in ay in muddo ah maqlayeen rassaas xooggan oo la is waydaarsanayay, taas oo dhaxmartay maleshiyaadka Laftagareen iyo askariga weerarka qaaday.
Ninka dilay askarta ka tirsan maamulka Riddada Koonfur-galbeed ayay wararku sheegayaan in isaga oo dhaawac ah uu isaga baxsaday magaalada.
Xaalad kacsanaan ah ayaa maanta ka taagan magaalada Diinsoor kaddib dhacdadii ka dhacday, saraakiisha maamul goboleedka ashahaada la dirirka ah ee dagmada ayaa waxaa soo foodsaaray cabsi ay ka qabaan maleeshiyaadkooda.