Warar dheeraad ah waxaa laga helayaa weerar khasaara kala duwan lagu gaarsiiyay askarta federaalka oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay duleedka magaalada Kismaayo.
Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab waxey weerar dhabba gal ah u dhigeen kolanyo maleeshiyaatka ridada ah oo ku socdaalayay agagaarka deegaanka cabdalle biroole ee duleedka kismaayo.
Inta la xaqiijiyay waxaa kamiinkaas lagu dilay 4 askari oo murtadiin ah oo ah kuwa danab waxaa lagu dhaawacay 6 askari oo isla ridada ah.
Sidoo kale ciidamada Mujaahidiintu waxey weerarkaas dhabba galka ah ku gubeen gaari cabdi bile ah, Waxa uu weerarkan kusoo aadayaa xilli mujaahidiintu ay sii kordhiyeen howlgalada ka dhanka ah kufaarta iyo murtadiinta.
Calamada.com