Howlgal qorsheysan oo ciidamada mujaahidiintu ka fuliyeen gudaha magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, ayaa Allaah fadligiis lagu dilay 2 askari oo ka tirsanaa maleeshiyaadka Booliska Riddada koonfur galbeed, waxaana laga soo qaniimeystay hal qori oo AK47-ah.
Dhanka Hiiraan, Dagaal culus oo u dhaxeeyey ciidamada mujaahidiinta iyo maleeshiyaadka Riddada ayaa saaka mar kale ka dhacay duleedka deegaanka Beera-yabaal ee wilaayada islaamiga ah ee Hiiraan, dagaalka ayaa waxaa la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana jira khasaare gaaray murtadiinta.
Shalay ayay ahayd markii dagaallo culus oo lagu jabiyay maleeshiyada Riddada ay ka dhaceen isla aaggan, halkaas oo lagu dilay ugu yaraan 18 murtad oo isugu jira saraakiil iyo askar, halka lagu dhaawacay 26 kale, gaari Cabdibile ah oo uu lahaa Cali Jaytena lagu gubay, hubna ciidamada mujaahidiintu kusoo qaniimeysteen.
Dhanka kale, tafaasiil dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar kamiin ah oo ka dhacay soohdin-beenaadka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya, kaasi oo ciidamada mujaahidiintu u dhigeen maleeshiyaad murtadiin ah oo ka baxay dhanka deegaanka Kaambooni ee dhaca xad-beenaadka, waxaa weerarkan lagu dilay hal askari halka 3 askari oo kalena isla goobta uu dagaalku ka dhacay ay ku dhaawacmeen.