Wararka ka imaanaya wilaayada Gedo ee dhacda Koonfurta Soomaaliya ayaa sheegaya in weeraro culus oo kamaa’in ah maanta galinkii dambe ciidamada mujaahidiintu la beegsadeen maleeshiyaad murtadiin ah oo dhaqdhaqaaqyo ka waday deegaanno ka tirsan wilaayada Gedo.
Weerarada oo ahaa ilaa laba kamiin ayaa loo dhigay maleeshiyaad murtadiin ah oo dhaqdhaqaaqyo ka waday deegaannada dhaca duleedka degmada Ceel-waaq, waxayna weeraradu kusoo dhaceen inta aysan soo gaarin halka ay ku jeedeen.
Khasaare kala duwan ayaa maleeshiyaadka murtadiinta lagu gaarsiiyay weerarkan, waxaana goobta dagaal looga dhaawacay ilaa 4 askari, halka ay ka carareen saddex mooto.