Ciidamada xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab waxay iska caabin xoog leh kala hor tageen maleeshiyaad ka tirsan dowladda Ridada federaalka oo maanta dhaqdhaqaaqyo ciidan ka waday deegaanno dhaca koonfurta wilaayada Mudug ee bartamaha dalka Soomaaliya.
Maleeshiyaadka dowladda Ridada waxay markale duullaano qar iska xoornimo ah kusoo qaadeen deegaanka Qeycad ee gobolka Mudug, balse waxay la kulmeen iska caabin aysan filanayn oo kaga timid dhanka ciidamada shabaabul Mujaahidiin.
Iska hor’imaadyo xooggan oo dhexmaray ciidamada shabaabul Mujaahidiin iyo maleeshiyaadka huwanta oo dhanka hwada sare ay ka taageerayaan diyaaradaha dagaalka dowladda Maraykanka ayaa lasoo warinayaan in illaa 4 jeer lagu jabiyay maleeshiyaadka dowladda.
Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay waxay sheegayaan in ciidamada dowladda dagaalladii maanta oo si gaara kaga dhacay duleedka deegaanka Qeycad looga dilay loogana dhaawacay 7 askari oo ka mid ahaa ciidamadii duullaanka soo qaaday.
Dagaalladan maanta dib uga qarxay koonfurta wilaayada Mudug waxay kusoo beegmayaan xilli maleeshiyaadka dowladda Ridada ay si xun ugu dhiigbaxayaan dagaallada ka socda deegaanno ka tirsan wilaayada Mudug, wuxuuna weerarkan imaanayaa xilli dagaallo si xun loogu jabiyay ciidamada dowladda ay dhowaan ka dhaceen duleedka deegaanka Qeycad ee koonfurta wilaayada Mudug.
Halkan Kala Soco Wararka Deg Dega Ah Ee Website-ka Calamada.
Calamada.com