Faahfaahinno dheeraad ah waxay kasoo baxayaan weerar jidgal ah oo saacadihii lasoo dhaafay ciidamada kuffaarta Kenya loogu dhigay deegaanno ka tirsan wilaayada Jubbooyinka.
Weerarkan jidgal ah waxay ciidamada shabaabul Mujaahidiin u dhigeen ciidamo ka tirsan KDF-ta dowladda saliibiyadda ah ee Kenya, xilli ay ku socdaalayeen inta u dhaxaysa deegaannada Kulbiyow iyo Raaskambooni.
Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay waxay warbaahinta u sheegeen in weerarka jidalka ah lagu xasuuqay ciidamo badan oo Kenyaati ah kuwaas oo ka mid ahaa kolonyada la beegsaday.
Sida laga soo xigtay Idaacadda Al-andalus waxaa weerarkaasi jidgalka ah lagu dilay 7 askari oo Kenyaati ah, ka dib markii ay kusoo dhaceen weerarka dhabbo gal ah.
Ciidamada millatariga dowladda Kenya ayaa kusii dabar go’aya saaxaadka dagaalka ee Jubbooyinka iyo Gedo, Saldhigyada ay kaga suganyihiin koonfurta Soomaaliyana waxay baylaha u noqdeen weerarada jihaadiyiinta xarakada Al-shabaab.
Halkan Kala Soco Wararka Deg Dega Ee Website-ka Calamada.
Calamada.com