Wararka ka imaanaya dhulka Soomaalida NFD ee gummeysiga ku jira ayaa sheegaya in markale halkaas uu ka dhacay weerar khasaara lagu gaarsiiyay ciidamada dowladda Kenya.
Weerar hubaysan ayaa la sheegay in uu ka dhacay inta u dhaxaysa tuulooyinka Sarmaan iyo Dhaaydhaay oo hoostaga degmada Ramo oo hoostaga gobolka Mandheera.
Iska hor’imaad xooggan ayaa ciidamada booliska Kenya iyo dagaalyahannada Al Shabaab ku dhaxmaray deegaanka Raamo.
“Sida ay inoo sheegeen ilo wareedyo lagu kalsoon yahay natiijada dagaalka ayaa y noqotay in la jabiyo ciidanka Kenya ayna ka cararaan meydadka 3 askari sidoo kalana lagala wareego saanad hub ah” ayaa lagu yiri war ay baahisay Idaacadda Andalus.
Markii uu dagaalku soo idlaaday kadib waxaa hawada soo galay diyaarado ay Kenyaatigu leeyihiin kuwaas oo markii ay goobta ka waayeen dagaalyahannada Al Shabaab duqeymo la beegsaday xoolo Lo’ u badan oo daaqayay duleedka deegaanka Raamo.
Wararka ayaa intaas ku daraya in iska hor’imaad culus oo ciidanka Kenya iyo dagaalyahannada Al Shabaab ku dhaxmaray tuulada Darbo-cadaado ee isla gobolka Mandheera, dagaalyahannada jihaadiga ah ayaa weerar jidgal ah u dhigay ciidan Kenyaan ah oo 10 Mooto ku roondeynayay si ay xaaladda wadada u qiimeystaan.
Wadarta guud ee khasaaraha ka dhashay iska hor’imaadyadan kasoo cusboonaaday Mandheera waa 3 askari dhimasho ah iyo dhaawaca tira kale, warbaahinta maxalliga Kenya ayaa xaqiijisay jiritaanka weerarkan khasaaraha dhaliyay balse wali Booliska dowladda Kenya wax war ah kamasoo soo saarin dhacdooyinkan.