Faahfaahin dheeraad ah waxaa laga helayaa weeraro saacadihii lasoo dhaafay ciidamada shisheeyaha AMISOM lagula beegsaday deegaan katirsan Sh/hoose.
Khasaara dhimasho iyo dhaawac leh ayaa ciidamada Uganda ee qeybta ka ah soo duulayaasha AMISOM kasoo gaaray laba qarax oo lagula beegsaday deegaanka Shalaambood ee dhaca duleedka magaalada Marka.
Ilo wareedyo ayaa xaqiijinaya in ugu yaraan 4 Askari ay ku dhinteen qaraxyada halka 3 kale ay dhaawacyo soo gaareen, war rasmi ah oo kasoo baxay Mujaahidiinta Al Shabaab ayaa lagu sheegay in qaraxyada lagu gubay gaari booyad ah oo ay wateen ciidamada laweeraray.
Qaraxyadan waxey kusoo aadayaan xilli saacadihii lasoo dhaafay ciidamada Mujaahidiinta dagaal kula wareegeen deegaanka Jiir-qaali oo ka tirsan gobalka Mandheere waxey Mujaahidiintu gubeen xaruntii shirkada Safaari com ee deegaanka Jiir-qaali shirkadaas oo ah mid ay leedahay dowladda Saliibiyadda Mareykanka.