Howlgal qarax ah oo maanta ciidamo ka tirsan mujaahidiintu ka fuliyeen xaafadda Daaru-salaam ee magaalada caasimadda Muqdisho ayaa lagu beegsaday maleeshiyaad murtadiin ah, gaar ahaan kuwa loogu yeero (Boolis Militaaro), qaraxa ayaa maleeshiyaadka haleelay xilli ay lugeynayeen.
Inta la xaqiijiyay waxaa howlgalkan qaraxa ah ku dhintay 3 askari oo murtadiin ah, halka ay sidoo kale ku dhaawacmeen laba kale, askarta ayaa lagu magacaabi jiray Zakariye Maxamad Saalax iyo Cabdinaasir, waxaa sidoo kale xubnaha la dilay ka mid ahaa sarkaal lagu magacaabi jiray Cadde.
Dhanka Hiiraan, dagaal culus oo u dhaxeeyay ciidamada mujaahidiinta iyo maleeshiyaad ka tirsan murtadiinta ayaa ka dhacay duleedka degmada Buulo-burte ee bariga wilaayada islaamiga Hiiraan, saddex askari oo murtadiin ah ayaana dagaaladaasi ku dhaawacmay.