Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin waxay maanta howlgal qorsheysan oo qarax ah ka fuliyeen garoonka diyaaradaha ee magaalada Baydhaba, kaasi oo lala beegsaday ciidamo Itoobiyaan ah oo garoonkaasi ilaaliya, waxaana halkaas ku dhintay laba askari oo Itoobiyaan ah, halka ay ku dhaawacmeen 3 kale.
Dhanka kale, dagaal culus oo u dhaxeeyey ciidamada mujaahidiinta iyo maleeshiyaaada murtadiinta ayaa maanta ka dhacay duleedka deegaanka Halgan ee wilaayada Hiiraan ee dhacda bartamaha Soomaaliya, waxaana dagaalkaasi la isku adeegsanayay hubka noocyadiisa kala duwan.
Dagaalkaasi waxaa inta la xaqiijiyay ku dhaawacmay ilaa laba askari oo murtadiin ah, waxayna ciidamada Shabaabul Mujaahidiin dagaalkaasi kusoo qaniimeysteen qori RPG ah iyo rassaastiisa.