Waxaa sii kordhaya khasaraaha askarta xabashida itoobiya lagu gaarsiiyay weerar isugu jira duqeyn iyo dagaal toos ah oo xalay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab la beegsadeen saldhiga xabashida itoobiya ee degmada waajid ee wilaayada Bakool.
13 madfac ayey Shabaabul mujaahidiin ku garaaceen saldhiga waxeyna madaafiicda ku wada dhaceen gudaha xerada Xabashida Itoobiya.
Inta la xaqiijiyay 7 askari itoobiyaan ah ayaa ku dhaawacmay weerarka waxaana goobta ka qaaday diyaarad elecobtar ah.
Maalmo ka hor ayey aheed markii ciidamada Shabaabul Mujaahidiin madaafiic ku garaaceen saldhiga kufaarta afrikaanta ee deegaanka Carbiska ee duleedka degmada Afgooye waxaana duqeyntaas ku dhaawacmay afar askari oo yugandheys ah.
Calamada.com