Warar dheeraad ah waxaa laga helayaa weeraro qorsheysan oo saacadihii lasoo dhaafay ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ka fuliyeen deegaano ka tirsan wilaayada shabeelada hoose ee koonfurta dalka soomaaliya.
Howlgalka hore oo kamiin ah waxa uu ka dhacay inta u dhaxeysa degmada Jannaale iyo deegaanka buufow waxaana loo dhigay maleeshiyaat murtadiin ah.
Inta la xaqiijiyay waxaa kamiinkaas lagu dilay hal askari oo murtad ah mid kalane waa lagu dhaawacay.
Howlgalka xiga oo isagana dhabba gal ah waxa uu ka dhacay inta u dhaxeysa deegaanada shalambood iyo golweyn ee duleedyada degmooyinka buula mareer iyo marka.
Kamiinka oo loo dhigay askarta dowlada federaalka waxaa ku dhaawacmay hal askari oo murtad ah.
Howlgaladan waxey kusoo aadayaan xilli saacadihii lasoo dhaafay dagaal culus oo ciidamada mujaahidiintu ay ku qaadeen saldhiga murtadiinta ee deegaanka baarka ee duleedka kismaayo lagu dilay hal askari oo murtad ah labo kalane weey ku dhaawacmeen, Waxaa sidoo kale weerarkaas lagu gubay xafiiskii taliska murtadiinta ee saldhiga baarka.
Calamada.com