Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin waxay saakay howlgallo burcad sifayn ah ka sameeyeen deegaanno dhaca duleedka magaalada Kismaayo ee wilaayada Jubbooyinka halkaas oo lagu dilay askar ka tirsanaa maleeshiyaadka Ridada.
Weeraradan waxay Mujaahidiintu ku qaadeen isbaarooyin maleeshiyaad murtadiin ah u tiillay afaafka hore ee deegaanka Cabdalla Biroole ee duleedka magaalada Kismaayo waxaana weeraradaas lagu dilay 4 askari oo murtadiin ah.
Maleeshiyaadka murtadiinta waxay goobta kaga carareen meydadka 2 askari oo ka mid ahaa maleeshiyaadkii weerarka la kulmay, waxaana maleeshiyaadka usoo gurmaday ciidamada kufffaarta Kenya ee saldhigga ku leh Cabdalla Biroole, balse waxay la kulmen kammiin culus oo Mujaahidiintu u diyaariyeen iyagoo khasaare dhabarka ku sita ayayna dib ugu noqdeen saldhigooda.
Dhanka kale warar faahfaahsan ayaa kasoo baxaya weerar ka dhacay deegaanka Baarsanguuni ee duleedka magaalada Kismaayo waxayna ilo wareedyo masuul ah xaqiijiyeen in weerarka lagu dilay hal askari iyo dhaawac 3 kale.
Howlgalladan waxay qayb ka yihiin baacsiga ay Shabaabul Mujaahidiin ku hayaan haraadiga maleeshiyaadka dowladda Ridada.
Calamada.com