Wilaayada Shabeelada dhexe gaar ahaan inta u dhaxeysa degmada Mahadaay iyo deegaanka Buurane waxaa labo qarax lagula beegsaday ciidamada burundi ee duulaanka ku jooga deegaano ka tirsan wilaayadaas.
Qaraxyadan ayaa sababay dhimashada afar askari oo saliibiyiinta burundi ah iyo dhaawaca hal askari oo isla burundeyska ah.
Qaraxyadan maanta baqtiga iyo dhaawaca ay ku noqdeen askarta burundeyska ah waxa uu kusoo aadayaa xilli uu sii kordhaya khasaraaha maamulka hirshabeelle lagu gaarsiiyay qarax maanta ka dhacay degmada jowhar.
Waxaa qaraxii jowhar ku dhintay hal murtad waxaana ku dhaawacmay shan kale oo isugu jira xildhibaano,saraakiil ciidan iyo mid ka mid ah ergooyinka soo dhisaya xildhibaanada ridada.
Calamada.com