Weeraro khasaara dhimasho iyo dhaawac leh dhaliyay ayaa markale ka dhacay gudaha dhulka soomaalida NFD ee gummeysiga Kenya kujira.
Ciidamada Kenya ee lagu weeraray Konton ayaa durbadiiba waxaa lagala wareegay tuulada hase ahaatee Kenyaati kale oo ku sugnaa meel 1KM u jirta tuulada ayaa soo baxay iyagoo gurmad ah oo kasoo hormaray gaadiidkoodii islamarkaana lugeynaya waxaana qabsaday qarax aad u xooggan.
ilo wareedyo ayaa xaqiijinaya in Meydadka ciidamada ay muddo laba jeer ah daabushay diyaarad nooceedu yahay Helocoptor, markii hore diyaaraddu waxay qaadday meydadka askartii aan aadka ugu baabi’in qaraxa halka markii labaad ay qaadday meydadka askarta jirkoodu si xun ugu googo’ay qaraxa.
Dowladda Kenya ayaa xaqiijisay weerarka culus ee Al Shabaab ay ku qaadeen tuulada Konton sida uu qiray Hilary Toroitich oo ah taliyaha Booliska ee gobolka Wajeer balse wuxuu diiday in uu faah faahin dheeraad ah ka bixiyo wixii dhacay