Ciidamo ka tirsan guutada qaraxyada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin waxay maanta oo Talaado ah howlgal qarax ah ka fuliyeen gudaha degmada Buulo-burte ee wilaayada Hiiraan, halkaas oo lagu beegsaday Isbaaro maleeshiyaad murtadiin ah u tiillay gudaha magaaladaasi.
Howlgalka barakaysan ee qarax ah ayaa u dhacay sidii loo qorsheeyay, waxaana Allaah fadligiis ka dhashay khasaare kala duwan oo soo gaaray maleeshiyaadka murtadiinta ee isbaarada la qarxiyay ku sugnaa.
Qaraxan ka dhacay degmada Buulo-burte ayaa kusoo beegmaya xilli sidan oo kale qarax mujaahidiintu saacadihii ina dhaafay ka fuliyeen agagaarka Siinka-dheer ee duleedka magaalada Muqdisho oo lala eegtay gaari Cabdi bile ah oo ay wareen saraakiil iyo maleeshiyaad ka tirsan sirdoonka Riddada ee NISA, lagu dilay ilaa shan askari oo ka tirsanaa maleeshiyaadkaasi, halka ay ku dhaawacmeen 8 kale, burburna uu soo gaaray gaariga qaraxa lala beegsaday.