Wararka ka imaanaya wilaayada Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in diyaaradaha dagaalka ee dowladda saliibiyadda ah ee Maraykanka duqaymo wuxuushnimo ah oo ka gaysteen degmada Ceel-garas ay ku burburiyeen ceel biyoodkii degmadaasi iyo gaari booyad ah oo ay dad shacab ah lahaayeen, kaasi oo xilliga ay duqayntu dhacaysay taagnaa ceel biyoodka, waxaana halkaasi ku dhaawacmay mid ka mid ah shaqaalaha ceelka.
Isla Galgaduud, diyaarad Drone ah oo ay leeyihiin saliibiyiinta Maraykanka ayaa gantaal ku dhufatay ceelka tuulada Sabbaax ee u dhaw deegaanka Ceel-lahelay ee dhaca duleedka degmada Ceel-garas, ceelkan tuulada Sabbaax ee ay diyaaradaha Mareykanku duqaynta ku beegsadeen ayaa ahaa ceel biyood ay ka biyo cabbaan xoola dhaqatada mana jirin qof xilligii ay duqeyntu dhacaysay ku sugnaa ceelka, taasi oo Allaah mahaddiis khasaaraha ku koobtay burburka ceelkaasi.
Dowladda saliibiyadda ah ah ee Maraykanka ayaa muddooyinkii u dambeeyay duqaymo wuxuushnimo ah ka waday gobolka Galgaduud ee dhaca bartamaha Somalia, kaddib markii maleeshiyaadkii murtadiinta ee ay usoo wakiilatay dagaalka ka dhanka ah shareecada lagu jabiyay furimaha dagaalka ee wilaayada Galgaduud, waxayna duqaymahan cashwaa’iga ah beegsanayaan goobaha danta guud iyo baadiyaha oo ay deganyihiin dadka shacabka, waxaana ugu dambeeyay xasuuqii ay ka gaysteen baadiyaha deegaanka Ood-weyn ee hoostaga degmada Ceel-garas ee wilaayada Galgaduud.