Howlgal qorsheysan oo ciidamada Shabaabul Mujaahidiin saacadihii lasoo dhaafay ka fuliyeen gudaha magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose, waxay ku khaarajiyeen 2 askari oo ka tirsanaa maleeshiyada maamul goboleedka ashahaada la dirirka Jubaland, gaar ahaan kuwa gaarka ah ee (Special Forces)-ka loo yaqaan.
Dhanka Baay, waxay ciidamada mujaahidiintu saacadihii lasoo dhaafay howlgal qarax ka fuliyeen gudaha degmada Bardaale, howlgalkan ayaana qayb ka ah kuwa qorsheysan ee lagu beegsanayo saraakiisha iyo maleeshiyada maamul goboleedka Riddada Koonfur-galbeed.
Qaraxan barakaysan waxa inta la xaqiijiyay ku dhaawacmay murtad ashahaada la dirir ah oo magaciisa lagu sheegay Cabdow Isaaq Bashiir, kaasi oo ah guddoomiyaha afarta xaafad ee degmada Bardaale.