Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa dagaalka culus ee saaka ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ay kula wareegeen gacan ku heynta deegaanka Bariire ee gobalka Shabeelada hoose.
War rasmi ah oo kasoo baxay Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab ayaa lagu xusay in dagaalka saaka ee deegaanka Bariire Jawaab celin iyo Aargud u ahaa dadkii Muslimiinta ahaa ee dhawaan ciidamada Nasaarada Mareykanka ay ku xasuuqeen deegaanka Bariire.
Dhanka kale Idaacada Islaamiga ah ee Andalus ayaa baahisay in dagaalka Bariire lagu dilay ku dhawaad Soddon askari oo ka tirsan maleeshiyaatka Murtadiinta.
Sidoo kale ciidamada Muslimiinta waxey gacanta ku dhigeen Kow iyo Toban gaari oo isugu jira Booyad iyo noocyada kale ee gaadiidka dagaalka iyo Keyd buuxa oo Hub ah.
Raayada Towxiidka ayeey ciidamada Mujaahidiinta ka taageen saldhiga deegaanka iyo Kontroolada laga galo deegaankaasi,waxeyna dadka deegaanka xaqiijiyeen in gudaha iyo duleedka deegaanka ay daadsanyihiin Meydadka askar fara badan oo ka tirsan maleeshiyaatka dowlada.
Ciidamada Kufaarta Mareykanka iyo kuwa Afrikaanta ee ku kala sugan garoonka diyaaradaha Bilidoogle,deegaanka Numbar50 iyo degmada Afgooye oo u wada dhaw deegaanka Bariire ayaa wax gurmad ah usoo sameynin maleeshiyaatka dowlada ee saaka lagu xasuuqay deegaanka Bariire.
Calamada.com
Yes
allahu akbaaar walillahilxamdu gul allahasiyo walalahayaga mujahidinta cadowgana allahajabiyo
الله أكبر الله أكبر