Ciidamo ka tirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab ee ka howlgala wilaayada islaamiga ah ee Sh/hoose, waxay dagaallo xooggan oo toos ah saacadihii lasoo dhaafay ku qaadeen saldhigyada maleeshiyaadka murtadiinta ay kaga suganyihiin buundo-bilan iyo Buulo-bacaad ee magaalada Marka.
Dhanka kale, waxaa tafaasiil dheeraad ah laga helayaa madaafiic culus oo ciidamada mujaahidiintu ku garaaceen xero ciidan oo uu degmada Afmadoow ee wilaayada Jubbada hoose kaga sugnaa murtad Axmed Madoobe, madaxa maamulka ashahaada la dirirka ah ee Jubbaland.
Ilo wareedyo xog ogaal ah ayaa xaqiijiyay in mid ka mid ah gaadiidka ilaalada gaarka ah ee murtad Axmed Madoobe uu mid ka mid ah madaafiicda haleelay, kaasi oo keenay burbur xoogan oo gaaray gaariga murtadkaasi, murtad Axmed Madoobe ayaa duqeynta kaddib si degdeg ah uga cararay degmada Afmadoow.