Taliska ciidamada ee Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa goordhow soo saaray warsaxaafadeed rasmi ah, kaas oo uu taliska ciidanku kaga hadlay weeraradii cagmarinta ahaa ee saaka ciidamada mujaahidiintu kula wareegeen gacan ku haynta ilaa 4 deegaan oo kala ah Ceel Cali Axmed, Daaru-nicma, Cali Fool-dheere iyo Al-kowthar ee Sh/dhexe.
Warsaxaafadeedka kasoo baxay taliska ciidanka mujaahidiinta ayaa u qornaa sida tan.
‘Cagmarinta Saldhigyada Murtadiinta ee Shabeellada Dhexe’
“21 Shacbaan 1446H (20 February 2025) – Aroornimadii Khamiista taariikhduna ku beegnayd 21 Shacbaan 1446H (20 Febraayo 2025) waxay ciidamada Mujaahidiinta oo Allaah kaashanaya weeraro cagmarin ah kula jarmaadeen saldhigyada maleeshiyaadka riddada ay ku lahaayeen deegaannada kala ah, Ceel-Cali-Axmed, Cali-Fooldheere, Daarunicma, iyo deegaanka Al Kowthar oo dhammaantood ka wada tirsan Wilaayada Islaamiga ee Shabeellada Dhexe.
Ciidamada Mujaahidiinta ayaa Allaah fadligiis dhawr jiho weeraro qorsheysan uga qaaday saldhigyadii ay ku sugnaayeen cadawga Allaah. Dagaallo saf ballaaran ah kadib, Mujaahidiintu waxay – Allaah fadligiisa – si buuxda gacanta ugu dhigeen dhamaan saldhigyadii murtadiinta ee la weeraray, waxaana halkaas cadawga lagu gaarsiiyay khasaare lixaad leh oo dhimasho iyo dhaawac isugu jira.
Waxaa sidoo kale maleeshiyaadka murtadiinta laga qabtay maxaabiis dagaal kuwaasoo ay hadda gacanta ku hayaan Mujaahidiinta. Allaah fadligiis, waxay Mujaahidiintu sidoo kale gacanta ku dhigeen dhamaan agabkii iyo saanaddii ciidan ee taallay saldhigyada murtadiinta ee la weeraray oo ay ku jiraan gawaarida loo yaqaano tikinikada ee qoryuhu ku rakibanyihiin.
Wixi faafaahin ah ee ku saabsan weeraradan barakeysan dib ayaan kasoo gudbin doono insha-Allaah.”
Halkan Ka Degso Warsaxaafadeedka Taliska Ciidanka Mujaahidiinta.