Faahfaahinno dheeraad ah ayaa laga helayaa weeraro culus oo ka dhacay deegaanno ka tirsan gobolka Mandheera ee ku hoos jira gumeysiga dowladda saliibiyadda ah ee Kenya, halkaas khasaare culus lagu gaarsiiyay ciidanka kuffaarta Kenya.
Weerarka koowaad ee faahfaahinta laga helayo waxay ciidamada mujaahidiintu ku qaadeen xerada Kenyaatiga ee kutaal deegaanka Alunga ee hoostaga degmada Lafeey, waxaana halkaas Allaah fadligiis lagu dilay hal askari, halka saddex askari oo kalena ay soo gaareen dhaawacyo culus.
Weerarka labaad oo ah mid dhabagal ah waxay ciidamada mujaahidiintu u dhigeen ciidamo Kenyaan ah oo marayay inta u dhaxeysa degmada Ceelqaalow iyo deegaanka Harazuki, waxaana howlgalka kamiinka ah lagu dilay laba askari oo saliibiyiin Kenyan ah, halka lix kalena lagu dhaawacay, gaari Kooyal ah oo qori Jiib ah uu ku xirnaana waa gubtay.