24-kii saac ee u dambeysay waxey ciidamada Shabaabul Mujaahidiin fuliyeen weeraro kala duwan oo khasaara lagu gaarsiiyay askarta kenya,jabuuti,uganda,itoobiya iyo kuwa ridada soomaaliya.
Mandheere.
Ciidamada Mujaahidiintu waxey saacadihii lasoo dhaafay dagaal ku qaadeen saldhiga saliibiyiinta kenya ee deegaanka Ceel-Raamo oo hoostagta degmada Ceel-Qaalow ee gobalka Mandheera, Mujaahidiinta ayaa tiro RBG-yo ah ku weeraray xirada.
Bakool.
Ciidamada Mujaahidiintu waxey habeenkii xalay dagaal culus ku qaadeen saldhiga kufaarta xabashida itoobiya ee degmada Xudur.
Shabeelada hoose.
Ciidamada Mujaahidiintu waxey xalay dagaal toos ah ku qaadeen saldhiga kufaarta ee degmada Jannaale.
Isla Shabeelada hoose waxey mujaahidiintu xalay dagaal culus ku qaadeen saldhiga kufaarta afrikaanta ee deegaanka Danow.
Baay.
Qarax saacadihii lasoo dhaafay askarta xabashida Itoobiya lagula beegsaday duleedka degmada diinsoor waxaa ku baqtiyay 3 askari itoobiyaan ah waxaana ku dhaawacmay 4 askari itoobiyaan ah
Isla Wilaayada Baay ciidamada mujaahidiintu waxey shalay weerar dhabba gal ah u dhigeen maleeshiyaat murtadiin ah oo ka baxay magaalada Baydhabo kuna sii jeeday deegaanka daynuunaay ee dhaca duleedka baydhabo.
Kamiinka waxaa lagu dhaawacay hal askari oo murtad ah kaasi oo lagu magacaabo ismaaciil garabeey
Galgaduud.
Ciidamada Mujaahidiintu waxey shalay weerar culus ku qaadeen fariisinka askarta ridada Jabuuti ee garoonka diyaradaha degmada Dhuusa mareeb ee bartamaha dalka soomaaliya