Faahfaahinno dheeraad ah ayaa laga helayaa weerar qarax ah oo saacadihii lasoo dhaafay kolonyo ka tirsan askarta Baangaraafta Riddada lagula eegtay duleedka deegaanka Ceel-bacad ee Sh/dhexe, halkaas oo khasaare kala duwan lagu gaarsiiyay maleeshiyaadka Baangaraafta Riddada.
Khasaaraha dhimasho ee weerarka qaraxa ah lagu gaarsiiyay maleeshiyaadka Riddada inta la xaqiijiyay waa 2 askari oo ka mid ahaa maleeshiyaadka Riddada ee uu soo tabobartay Maraykanka ee loo yaqaan Danab, halka sidoo kalena ay dhaawacyo kala duwan noqdeen 3 kale.
Gaari nooca kuwa ciidanka ah oo ay wateen maleeshiyaadkaas ayaa sidoo kale lagu burburiyay qaraxa lala eegtay kolonyada murtadiinta ah, howlgalkan qaraxa ah ayaana kusoo beegmaya xilli ay dardar ku socdaan howlgallada fariidka ah ee ay mujaahidiintu ka wadaan Sh/dhxe iyo wilaayaadka ku xeeran.