Taliyaha ciidanka Mareykanka ee qaaradda Afrika ayaa markale kale walaac ka muujiyay awoodda Shabaabul Mujaahidiin.
Taliska AFRICOM ayaa sheegay in awoodda jihaadiga ee Soomaaliya ay tahay mid aad usarrayso islamarkaana ay baqdin ku beerayso reergalbeedka iyo dowladaha ku lugta leh duullaanka dalkan lagusoo qaaday.
Jeneraal Stephen Townsend oo ah gaalka taliyaha u ah ciidanka Saliibiyiinta Mareykanka ee Afrika ayaa ciidamada kufaarta afrikaanta ku eedeeyay in ay ka gaabiyeen xakameynta awoodda Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab.
Isagoo wareysi siinayay Idaacadda Codka Mareykanka ayuu Stephen Townsend ku caddeeyay in sedax arrin ay sabab u yihiin sii xoogeysashada Al Shabaab kuwaas oo uu ku kala sheegay 1-AMISOM oo aan wax dhaqaaq ah sameyn 18-kii bil ee lasoo dhaafay 2-khilaafka siyaasadeed ee ka dhax aloosan hoggaanka DF-ka iyo caabuqa Covid19.
Dowladda Mareykanka ayaa sanadadii lasoo dhaafay xoojisay dagaalka ka dhanka ah waxa loogu yeero ‘Argagaxisada’ ee ka socda Soomaaliya iyadoona kumanaan kun oo calooshood ushaqeystayaal Afrikaan ah u adeegsanaysa ka hor tagga ku dhaqanka shareecada Islaamka.
Duullaanka ciidamada AMISOM ee Soomaaliya ayaa 14 sana jirsaday walina ma muuqato guul uu shisheeyuhu ka gaaray lagaallanka Jihaadiyiinta.