Ra’iisul wasaaraha dalka itoobiya Abiy Axmed ayaa khudbad uu ka jeediyay kulan ay xisbiga talada haya ee dalkaas ku lahaayeen magaalada Addis ababa uga hadlay colaadaha muddada dheer ka socda dalkiisa, isaga oo sheegay in “xoogagga fallaagadu aysan awoodin inay guul ka gaaraan dagaalka, xataa haddii ay dagaallamaan 1,000 sano.”
Khudbadda uu Abiy Axmed kulankaas ka jeediyay oo muuqatay mid uu quus ka muujinayo in dagaalada ba’an ee dalkaas ka socda ay soo afjarmaan muddo dhow ayaa sidoo kale hanjabaad hawada u mariyay kooxaha falagada ah ee dowladdiisa dagaalka kula jira.
kulankan oo lagu qabtay hoolka Adwa ee magaalada Addis Ababa ayaa qayb ka ahaa xafladda sanadguuradii 5-aad markii Xisbiga talada haya ee Itoobiya, ee loo yaqaan (Prosperity Party), la aas aasay, iyadoo sida warbaahinta dalkaas ay sheegtay looga hadlay xaaladda sii xumaaneysa ee dalkaas.
Kulankan ayaa imaanaya laba sano ka dib markii uu dhammaaday dagaalkii ay dowladda Abiy la gashey Jabhadda Tigreega (TPLF) —dagaalkaas oo lagu qiyaasay in hal milyan oo qof lagu dilay —xukuumadda Abiy ayaa hadda wajahaysa dagaal kale oo ka socda gobolka Amxaarada. Dagaalkaas ayay xukuumadda Addis-ababa ku sheegtay inuu yahay mid “hub-ka-dhigis ku sameeyneyo Fano oo ah jabhadda hubeysna ee Axmaarada.
Dagaalka Ka socda gobolka amxaarada ee u dhaxeeya mamulka Abiy iyo kooxaha amxaarada hubeysan ayaa xoogeeystay markii dowladda xabashida ay bishii Agoosto 2023 ku dhawaaqday in xaalad degdeg ay galisay gobolka Amxaarada, waxayna markaas sheegtay howlgalka ay ka wado gobolkaas la dhammayn doono “todobaadyo gudahood.” Si kastaba ha ahaatee, in ka badan hal sano kadib, dagaalka ayaa weli socda, iyada oo ay boqolaal qof oo rayid ah ku dhinteen kuwa badana ka barakaceen degaanadoodii.
Dhinaca kale, Dagaalka dowlada abiy kula jirto kooxaha oromoda ee ka socda gobolka Oromiya oo bilaawday 5 sano ka hor ayaa ah mid wali socda, iyada oo dad badan ku dhinteen in badana barakac noqdeen.
Ciidamada dowladda saliibiga Itoobiya ayaa lagu sheegay inay ku waayeen dagaalada sanadadan ka socday gobollada Amxaarada iyo Oromada tobannaan kun oo askari, sida ay sheegeen warbaahinta ku hadasha afka Amxaarada.
Dalka Itoobiya ayaa sidoo kale wajahaya caqabado aad u daran oo dhinaca dhaqaalaha iyo sidoo kale caafimaadka, Faqriga iyo cudurrada ayaa si xowli ah ugu sii fidaya gobollada uu dagaalku ka socda iyadoo warbixin ay dhawaan soo saartay waxa loogu yeero hay’ada cafimaadka aduunka lagu sheegay in dalka itoobiya sanadkan gudahiisa 7.3 milyan oo qof laga helay xalad adag oo cudurka malariyada ah iyadoo ay cudurkaas u dhinteen 1,157 qof.