Ciise Ibraahim oo ah aabaha dhalay askari maxbuus ah Kenyaan ah kaasi oo lagu qabtay dagaalkii taariikhda galay ee Ceelcadde ayaa jeediyay baaq cusub oo ku socda dowladda saliibiyadad Kenya.
Isagoo warbaahinta kula hadlayay magaakada Wajeer ayuu sheegay in wiilkiisa Cabdullaahi Ciise Ibraahim uu farriintiisa ka daawaday internetka kadib ku dhowaad 9 sanadood oo uu waysanaa raq iyo ruux.
Wuxuu ku eedeeyay dowladda kaafiradda Kenya in wiilkiisa oo ahaa askari ay halis gelisay naftiisa markii ay udirtay dalka soomaaliya oo ah qabuuraha soo duulayaasha.
Aabaha dhalay maxbuuskan katirsan ciidanka melleteriga Kenya ee loo yaqaan KDF ayaa codsaday Wilyam Ruutu in uu soo daayo dhammaan askarta maxaabiista ah ee ku jira gacanta shabaabul mujaahidiin.
Cabdullaahi Ciise Ibraahim oo ka mid ahaa maxaabiistii ay ciidamada mujaahidiintu ku qabteen dagaalkii Ceelcadde ee wilaayada Gedo ayaa isbuucii hore kasoo muuqday muuqaallo dhowr ah oo ay baahisay Mu’asasada Al-kataa-ib isagoo ugu baaqayay dowladda uu katirsanyahay in ay ka shaqeyso sidii loosii dayn lahaa.
Muuqaalka ay faafisay mu’asasada alkataa’ib ayaa si toos ah ugaaray dhinacyadii uu ku socday, iyadoona warbaahinta maxalliga Kenya iyo barahaha bulshada si aad ah layskula dhax qaaday.
Dadka Kenyaanka ah ayaa ku cadaadinayay dowladda Kenya in ay soo badbaadiso askarta maxaabiista ah ee galay gacanta mujaahidiinta Al-shabaab.