Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal gaar ah oo xoogag hubaysan ay xalay ka fuliyeen mid kamida degmooyinka gobolka Banaadir.
Wararka ka imaanaya degmada Kaaraan ayaa sheegaya in rag aad u hubaysan ay xalay udhaceen guri kuyaal degmadaas oo uu deganaa sarkaal katirsanaa ciidamada dowladda.
Weerarka waxaa lagu dilay sarkaal lagu magacaabi jiray Col.Cusmaan Shariif oo kamid ahaa saraakiisha ugu sarraysa ciidamada dowladda.
Mas’uuliyadda weerarkan waxaa sheegtay Al Shabaab,”Howlgal ay ciidamada Mujaahidiintu ka fuliyeen degmada Kaaraan ayay ku dileen Col. Cusmaan Shariif oo katirsanaa saraakiisha kooxda Ridada” ayaa lagu yiri war ay baahisay Andalus.
Dilalka qorshaysan iyo qaraxyada lagu beegsado askarta iyo saraakiisha dowladda ayaa maalmihii lasoo dhaafay kusii kordhayay degmooyinka gobolka Banaadir, maalmo ka hor ayay aheyd markii degmada Hodon lagu dilay Gaashaanlle sare Mahad Doollar.