Mid kamida diyaaradaha melleteriga Uganda ayaa ku burburtay dalka Soomaaliya xilli ay ku guda jirtay duulimaad ay sahay ugu gudbinaysay saldhigyada ciidamada AMISOM ee Sh/hoose.
Diyaaraddan oo nuuceedu ahaa Helicopter ayaa ku dhacday meel ku dhow saldhigga Balidoogle halkaas oo ay ka kacday sida lagu sheegay war rasmi ah oo kasoo baxay taliska ciidamada AMISOM.
Taliska Ururka Midowga Afrika ayaa warbixin uu soo saaray ku sheegay in shilkan oo dhacay maalintii jimcaha ay ku dhaawacmeen illaa 4 askari oo katirsan dowladda Uganda.
Tan iyo markii ay dagaalyahannada Al Shabaab waddooyinka ka jareen ciidamda Uganda ee ku sugan deegaannada Sh/hoose ayay xukuumadda Kampala diyaarado Helicopters ah usoo dirtay dalka Soomaaliya si ay sahayda ugaarsiiyaan saldhigyada ciidamada AMISOM.
Sanaddii 2012 ayay aheyd markii ay dowladda Uganda lakulantay khasaare lixaad leh kadib markii ay dalka Kenya ku burbureen illaa afar diyaaradood oo ay doonaysay in ay usoo dirto Soomaaliya si ay uga qeyb qaataan dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab