Ciidamada Mujaahidiintu waxay saacadihii lasoo dhaafay weeraro safmareen ah ku qaadeen saldhigyada kuffaarta afrikaanta iyo maleeshiyaadka Ridada ay ka samaysteen deegaanno dhaca wilaayaadka Bay iyo Bakool, Sh/hoose Gedo iyo Jubbooyinka.
Dagaalka koowaad waxay Mujaahidiintu ku qaadeen saldhigga maleeshiyaadka Ridada degmada Luuq ee gobolka Gedo, Waxaana halkaas ka dhacay dagaal culus oo khasaare kala duwan dhaliyay.
Dhanka Bay iyo Bakool waxay Mujaahidiintu weerar si wanaagsan loo dajiyay ku qaadeen saldhigga ciidamada xabashida Itoobiya ay ka samasyteen degmada Xudur ee wilaayada Bay iyo Bakool waxaana dagaalkaas oo ahaa mid culus khasaare kala duwan lagu gaarsiiyay xabashida duullaanka ah.
Sidoo kale Saldhigyada ay Mujaahidiintu saacadihii lasoo dhaafay weerareen waxaa ka mid ah saldhigyada ciidamada kuffaarta Kenya ay ka deganyihiin deegaannada Hoosingow, Taabto, iyo Cabdalla Biroole oo dhammantood ka tirsan wilaayada Jubbooyinka, waxayna ilo wareedyo masuul ah sheegayaan in dagaalladan si xun loogu jabiyay gaalada Kenya.
Dhanka deegaanka Arbacow ee wilaayada Sh/hoose waxay shabaabul Mujaahidiin ku weerareen saldhigda ciidamada Kuffaarta Yugaandha, dhowr jiha ayay Mujaahidiintu ka weerareen saldhigga waxaana jira khasaare dhimasho iyo mid dhaawac oo soo gaartay kuffaarta Yugaandha.
Goobaha ay Mujaahidiintu weerareen waxaa mid ah fariisimaha maleeshiyaadka Ridada ee degaanka Sabiid, Haanta dheer iyo Mukeyga oo wada dhaca gudaha degmada Afgooye iyo duleedkeeda waxaana jira khasaare kala duwan oo murtadiiinta soo gaaray.
Weeraradan waxay kusoo beegmayaan xilli saacadihii lasoo dhaafay Mujaahidiintu howlgalo culus oo ay ka fuliyeen inta u dhaxaysa deegaanka Ambareeso iyo degmada Baraawe ee wilaayada shabeellaha hoose lagu dilay 2 askari oo ka tirsan kuffaarta Yugnaadha iyo dhaawaca 2 kale.
Calamada.com