Wararka ka imaanaya wilaayada Galgaduud ee dhacda bartamaha dalka Soomaaliya waxey sheegayaan in qarax culus uu ka dhacay wadada xiriirisa degmooyinka dhuusa mareeb iyo guriceel.
Khasaara lixaad leh ayaa ka dhashay weerar qarax ah oo ka dhacay deegaan kaabiga ku haya magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galguduud ee bartamaha Soomaaliya.
Wararka ka imaanaya Galguduud ayaa sheegaya in ugu yaraan 14 askari ay ku dhinteen qarax gaari Tikiniko ah lagula beegsaday deegaan 30Km ujirta Dhuusamareeb.
Dadka ku dhintay qaraxa waxaa kamid ah Taliyihii sirdoonka maamulka Galmudug ee degmada Dhuusamareeb iyo dhammaan ciidamadii la socday.
Ilo wareedyo ayaa sheegay in qarax miino uu haleelay gaarigii uu la socday taliye C/rasdhiid Cabdi Nuur oo ku magac dheeraa Qooje, sidoo kale iska hor’imaad culus ayaa la sheegay in uu ka dhacay deegaanka Ceeldheere ee udhaxeeya Guriceel iyo Dhuusamareeb.
Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkan sida lagu bayaaniyay war kooban oo kasoo baxay taliska ciidamada