Mu’assasada Al-kataa’ib garabka warbaahineed ee Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab waxey baahindoontaa Muuqaallo taxana ah oo ku saabsan falaqeyn lagu sameyn doono xukuumadda Farmaajo ee waqtigeedu sii idlaanayo.
Bayaan kasoo baxay Al kataa’ib ayaa uqornaa sidan:-
21 Jumada Thani 1442H (03February 2021) –Mu’assasadaAl-Kataib waxay Insha-Allaah dhowaan baahindoonta dokumentari taxane ah oo ka kooban lix qaybood, kaasoo cinwaankiisu yahay “Farmaajo: Ballanqaadyo Been ah iyo Himilo Halaanhal ah.”Muuqaalladan taxanaha ah waxaa lagu falanqayn doonnaa xukuumadda riddada ah ee uuMaxamad Cabdullaahi “Farmaajo”madaxa ka yahay iyo waxqabadka maamulkiisa muddadiiafarta sano ahayd ee uu xilka hayey.
Dokumentarigan taxanaha ah oo ah mid qaab cilmiyeysanusoo gudbinayaa xaqaa’iqda xukuumadda Farmaajo, ma ahan mid ka turjumaya aragtida Al-Kataib, balse waamidisku deyaya inuushacabka Soomaaliyeed usoo bandhigo diraasad faahfaahin buuxdaka bixineysa xaaladda uu dalkumarayo iyo dhibaatooyinka ay Soomaaliya sanada badan la daalaa-dhaceysay.
Dokumentarigan oo ay ururintiisa iyo diyaarintiisu socotey muddo sanad ahwuxuu cuskan doonaa warbixinnotixraac lehiyo dokumentiyo rasmi ah oo xoojinaya caddaymaha uu soo bandhigayo, waxaana gundhig looga dhigaykhudbadihii Farmaajo uu jeediyey iyo waxyaabihii uu ballanqaaday intii lagu guda jirey ol’olihii waxa loogu yeero doorashada ee 2017ka.
Dokumetariga”Farmaajo: Ballanqaadyo Been ah iyo Himilo Halaanhal ah”waxaa lagu soo bandhigi doonaa luqadaha Ingiriiska iyo Af Soomaaliga, wuxuuna ka koobnaan doonaan lixda qaybood ee hoos ku xusan:
1.Doorasho Mise Xulasho:
·Waa hordhacii u gogolxaarayey muuqaallada taxanaha ah waxaana lagu eegi doonaa habkii lagu doortay Maxamed Cabdullaahi “Farmaajo” kadib doorasho muran badan dhalisay oo muddo soo jiitameysay.
2.Tartanka Qabsashada Soomaaliya:
·Wuxuu gobolka geeska Afrika hooy u noqday saldhigyo militeri, ciidamo shisheeyeiyo kooxo calooshood-u-shaqaystayaal ah oo dhamaantood tartan ugu jira inay awood iyo saameyn siyaasadeed ku yeeshaan goobtan istraatiijiyadda gaarka ah leh. Xalaqadan waxay diiradda saareysaa loollanka ay awoodaha shisheeye ugu jiraan qabsashada dekedaha istaraatiijiga ah ee ku yaalla xeebta Soomaaliya. Waxay sidoo kale wax ka bidhaamineysaa tirada ciidamada shisheeye ee ka hawlgala gobolkaniyo halka ay Soomaaliya ka taagantahay loollanka loogu jiro qabsashada geeska Afrika.
3.Dhaqaalaha Soomaaliya:
·Soomaaliya waa waddan ay siyaasaddiisa dhaqaale go’aaminayaan dowladahashisheeye iyo hay’adaha maaliyadeed ee caalamiga ah, iyadoo shirkadaha waaweyn ee shisheeyana ay sii xoojinayaan cunaqabateynta ka dhanka ah dhaqaalaha Soomaaliya. Xalaqadan waxaan ku eegi doonnaa qaar ka mid ah caqabadaha ugu waaweyn eeku aaddan dhaqaalaha Soomaaliya. Waxaan u kuurgeli doonnaa kaalinta ay dowladda Turkigu ku leedahay dhaqaalaha Soomaaliya. Waxaan dul istaagi doonnaa shatiyadakalluumaysiga iyo heshiisyada shidaalka iyo gaaska. Heshiisyadani ma yihin kuwa ay wax dan ah ugu jirto shacabka Soomaaliyeed?Maxay badda Soomaaliya gole u noqotay kullaamaysiga sharci darrada ah? Dowladda Soomaaliyeed ma tahay dowlad leh awood siyaasadeed, mid hay’adeed, mid farsamo iyo mid sharci oo ku aadan maareynta dhaqaalaha iyo khayraadka dalka?Barnaamijka deyn cafinta Soomaaliya caddayn ma u noqon karaa in siyaasadda dhaqaale ee dalka la hagaajiyey, hormar dhaqaalena la gaarey mise ujeedooyin kaloo gurracan ayaa ku hoos qarsoon? Maxay tahay waxa Soomaaliya iyo shacabka Soomaaliyeed u horseedaya inay ku tiirsanaadaan deeqaha shisheeye, maxaase kaga hor gudban inay gaaraan hannaanka isku filnaanshaha?.
4.Federaaleynta Soomaaliya:
·Muddo xileedkiisa madaxtinimada oo idil, wuxuu madaxa xukuumadda riddada ah ee Farmaajodagaal iyo isqaqabsi ku salleysan awood qaybsiga iyo maareynta khayraadka dalka kula jirey maamul-goboleedyada Federaalka. Xalqadan waxaanu ku muujin doonna kala qoqobka siyaasadeed ee haysta waxa loogu yeero xukuumadda Federaalka, is-maandhaafka aan la maarayn karin ee u dhexeeya awoodaha tartamaya iyo faragelinta militeri ee shisheeye ee kusii kordheysa Soomaaliya.Hannaanka Federaalayntu ma yahay mid Soomaalida ka samatabixin kara dhibaatada ragaadisey mise wuxuu sii kala qoqobayaa dadka Soomaaliyeed?.
5.Ciidanka Soomaaliya:
·Inkastoo Mareykanka, Ingiriiska, Midowga Yurub iyo dowlado kale ay malaayiin doolar ku bixiyaan tababarrada iyo tabantaabada ciidanka Soomaaliyeed, ma laga yaabaa ciidankani inuu noqdo ciidan qaran mise weliwaa mid la liicaya tayo xumadii daashatey muddada dheer? Xalaqadan waxaanu ku lafaguri doonnaa su’aasha ah: ciidankani mayahay ciidan Soomaaliyeed ee danaynaya danta iyo danaha shacabka iyo qaranka Soomaaliyeed mise waa ciidan u taagan keliya u adeegidda danaha shisheeyaha iyo dowladaha reer galbeedka ee qalabeeya hadana maalgeliya?.
6.Dowlad Fashilantay:
·Intii lagu gudajiray waxa loogu yeero ol’olaha doorashada, wuxuu madaxa xukuumadda riddada ah ee Farmaajo sheegay inuu la imaan doono isbeddel iyo maamul wanaag. Wuxuu ballan qaaday inuu soo celin doono haybaddii dalka Soomaaliyeed, yareyn doono ku tiirsanaanta ciidamada shisheeye, ka adkaan doono Al-Shabaab, hoos u dhigi doono heerka faqriga, ka hortagi doono amni darrada, xididahana u siibi doono musuq-maasuqa dalka hareeyey. Maanta oo la soo gaarey dhamaadkii muddo xileedkiisii, waxaa is weydiin mudan maoofiyey Farmaajo ballanqaadyadiisii mise waxay noqdeen hal bacaad lagu lisay?Shacabka Soomaaliyeed ma yahay mid ku kalsoon xukuumadiisa iyo hay’adaheeda? Halkee ayay Soomaaliya ka taagantahay madasha siyaasadaha caalamka? Soomaaliya ma tahay dowlad xuduuddeeda ilaashan karta? Ma leedahay awood ay isaga difaacdofaragelinta dowladaha deriska ee doonaya inay dalka kala qaybiyaan dadkana kala qoqobaan?.
Dokumentarigan ayaa su’aalahaas oo dhan ka jawaabi doona, insha-Allaah, wuxuuna si cad u muujin doonaa fasaadka hareeyey xukumuumada ridddada ee Soomaaliyeed. Wuxuu sidoo kale dokumentarigan iftiiminaya sida ay siyaasadda iyo siyaasiyiinta Soomaaliyeedba ugu garba duubanyihiin dowladoiyo hay’ado shisheeye. Somaaliya ma laha xal aan ka ahayn ku dhaqanka iyo isku maamulka Kitaabka Allaah iyo Shareecada islaamka si ay u gaarto isku filnaansho, dadkeeduna nabad ugu noolaadaan.
Mu’assasada Al-Kataib waxay baahin doontaa taxanahan laga bilaabo 05 February 2021.
وَلِلَّهِ الْعِزَّةُ وَلِرَسُولِهِ وَلِلْمُؤْمِنِينَ وَلَكِنَّ الْمُنَافِقِينَ لَا يَعْلَمُونَ