Wararka ka imaanaya Shabeelada hoose waxey sheegayaan in ciidamada Mujaahidiintu weeraro culus oo isugu jiro qaraxyo iyo weeraro dhabba galyo ah ay la beegsadeen ciidamada Kufaarta Afrikaanta iyo maleeshiyaatka kooxda Ridada Somalia.
Howlgalka hore oo kamiin ah waxa uu ka dhacay inta u dhaxeysa Jannaale iyo Buufow waxaa loo dhigay ciidamo Lug ah oo isugu jira Kufaarta iyo Murtadiinta.
Inta la xaqiijiyay baqtiga kufaarta ee kamiinkaas waa (4) Afar askari oo taliye hoorin ku jira, Dhanka Murtadiinta baqtiga waa (6) Lix askari dhaawacyo badan weey jiraan oo kufaarta iyo murtadiinta ah.
Howlgalka Labaad waa qarax waxaa afafka hore ee deegaanka Buufow lagula beegsaday labo askari Murtadiin ah oo mooto la socotay iyagii iyo mootadii goobta ayey ku wada basbeeleen.
Howlgalka Saddex-aad oo ka koobnaa Labo kamiin waxa uu ka dhacay Wadada isku xirta degmooyinka Afgooye iyo Wallanweyn waxaana weeraradaas dhabba galyada ah loo dhigay maleeshiyaat Murtadiin ah.
Labadan weerar ee dhabba galyada ah waxaa lagu dilay (13) Saddex iyo toban askari oo ah askarta dowladda federaalka waxaana lagu dhaawacay (12) Labo iyo toban askari oo Ridada ah.
Ciidamada Mujaahidiintu waxey Kamiinadan ka dhacay inta u dhaxeysa degmooyinka Afgooye iyo Wallanweyn kusoo ganiimeysteen afar qori oo AK47 ah, Labo qori oo PKM ah, Hal qori oo RPG ah iyo hal Mooto.
Isugeynta dhimashada askarta Kufaarta Afrikaanta iyo kuwa Ridada ee howlgalada maanta ka dhacay shabeelada hoose waa 25 askari oo afar ka mid ah ay tahay Kufaarta Afrikaanta ah.
Howlgaladan waxey kusoo aadayaan xilli habeenkii xalay ciidamada Mujaahidiintu dagaallo culus ay ku qaadeen saldhiga Kufaarta Xabashida Itoobiya ee deegaanka Halgan ee Wilaayada Hiiraan iyo saldhiga maleeshiyaatka kooxda Ridada ee degmada Jannaale ee wilaayada Sh/hoose.
Calamada.com