Waxaa soo gaba gaboobay weerarkii aadka uxooganaa ee shalay gelinkii dambe ka bilaawday Hotelka Afriik ee magaalada Muqdisho.
Weerarka oo qaatay wax ka badan 10 saac oo xiriir ah ayaa dhaliyay khasaare lixaad leh oo soo gaaray dadkii deganaa Hotelka oo ay kamid ahaayeen saraakiil ciidan.
War rasmi ah oo kasoo baxay Mujaahidiinta Al Shabaab ayaa lagu sheegay in weerarka lagu dilay ugu yaraan 23 qof oo ay kamid yihiin Jeneraallo iyo saraakiil ciidan oo katirsanaa dowladda Federaalka.
Saraakiisha ku dhintay weerarkii Hotel Afriik waxaa kamid ahaa Jeneraal Max’med Nuur Galaal, Gaashaanlle Cali Dhuux Barre iyo Col, Diiroye Xaashi.
Wararka ayaa intaas ku daraya in askar iyo saraakiil katirsanaa maleeshiyaadka Alpha Group ay kamid ahaayeen labaatameeyadii ku dhimatay weerarkii xalay.
Dadka ku dhaawacmay weerarkii Hotel Afriik waxay ka badanyihiin 40 qof sida ay sheegayaan ilaha caafimaadka magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.
Marka la eego goobta uu ka dhacay weerarka iyo bartimaameedka labeegsaday ayaa muujinaysa in ragga wax weeraray ay si heer sare ah ugasoo baaraan degeen howlgalkooda.
Weerarada lagu beegsado Hotelka ay jiifsadaan saraakiisha iyo siyaasiyiinta katirsan dowladda Ridada ayaa banaanka soo dhigaysa sida Jihaadiyiintu ay uleeyihiin awood ay ku naafayn karaan cadawgooda.
Alshabaab wantagera