Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee dowladda saliibiyadda ee Maraykanka ayaa duqayn cadowtooyo oo maanta ay ka fuliyeen duleedka degmada Jammaame ee gobolka Jubbada hoose ku dilay mid ka mid ah dhaqanka Soomaaliyeed.
Duqaynta oo saacadihii lasoo dhacday ka dhacday afaafka hore ee degmada Jammaame ayay diyaaradaha Drons-ka ee dowladda Maraykanka ku dileen suldaankii beesha Habargidir ee wilaayada Jubbooyinka kaas oo lagu magacaabi jiray suldaan Maxamed Cabbaas Diirshe.
Xilliga ay duqayntu dhacaysay alle ha naxariistee waxa uu suldaanku kusii jeeday beer uu kulahaa duleedka degmada Jammaame. balse inta uusan beerta gaarin ayay diyaaradaha Maraykanku 2 gantaal ku dhufteen gaariga suldaanka.
Allaah ha u naxariistee suldaan Maxamed Cabbaas wuxuu ahaa suldaankii beesha Habargidir ee Jubbooyinka isagoo 2 sannadood uun ka hor loo caleema saaray sulaanka beesha.
Suldaan Diirshe wuxuu ahaa nin ganacsade ah oo caanka ah koonfurta dalka Somalia wuxuuna ahaa nin beeralay ah isagoona ku shahiiday duqayn cadowtooyo oo Maraykanku ku beegsaday.
Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee dowladda saliibiyadda Maraykanka waxay muddooyinkii dambe duqaymo aan kala sooc lahayn ka gaysanayeen koonfurta Somalia wuxuuna sidan oo kale dhawaan duqayn ugu dilay suldaankii beesha jareer wayne ee Jubbooyinka.
Calamada.com