Mas’uuliyiin katirsanaa dowladda Federaalka ayaa ku dhintay qarax ka dhacay mid kamida isgoysyada lagasoo galo magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.
Tafaasiil dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax gaari qooqan ah lagula beegsaday isgoyska Ex.control Afgooye ee galbeedka magaalada Muqdisho.
Sida wararku sheegayaan waxaa qaraxa ku dhintay Cali Macallim oo ahaa guddoomiye ku xigeenkii dhanka amniga iyo siyaasadda maamulka deegaanka Garasbaaleey iyo sarkaal kale oo lagu magacaabi jiray Cabdi Rashiid Dubad.
War rasmi ah oo kasoo baxay Al Shabaab ayaa lagu sheegay in qaraxa lagu dilay laba mas’uul iyo askari ilaala u ahaa “Qarax ka dhacay Ex.Control Afgooye ayay mujaahidiintu ku dileen guddoomiye ku xigeenkii amniga iyo siyaasadda uqaabilsanaa maamulka Ridada Garasbaaleey iyo sarkaal kale, sidoo kale waxaa qaraxa ku dhintay 2 askari oo ilaalada u ahaa saraakiisha” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Al Shabaab.
Wararka ayaa intaas ku daraya in gabi ahaanba uu burburay gaarigii qooqanka ahaa ee uu qaraxu beegsaday islamarkaana ay la socdeen saraakiisha dhimatay.
Al Shabaab ayaa 40-kii maalmood ee lasoo dhaafay sare uqaadday qaraxyada qorshaysan ee ay ku beegsanayaan askarta iyo saraakiisha dowladda Federaalka waxayna qaraxyada qaarkood ka dhacayaan goobo xasaasi ah oo ammaankooda si aad ah loo adkeeyo.