Ciidamada Mujaahidiintu waxey weeraro qorsheysan ka fuliyeen qeybo ka mid ah wilaayaatka Banaadir iyo Shabeelada hoose.
Dhanka Shabeelada hoose waxey ciidamada Mujaahidiinta agagaarka garoonka diyaaradaha degmada Baraawe kamiin ugu dhigeen askar ka tirsan Kufaarta Afrikaanta kuwaasi oo kasoo baxay saldhiga ay ku dhex sameysteen garoonka macmalka ah kadib markii tiro madaafiic ah Mujaahidiintu ku garaaceen saldhigaas.
Weerarkan dhabba galka ah ayaa sababay baqtiga Saddex askari oo Kufaarta Afrikaanta ah waxeyna Mujaahidiintu soo ganiimeysteen hal qori oo PKM ah.
Dhanka wilaayada Banaadir waxey Mujaahidiintu dagaal toos ah ku qaadeen isbaarada maleeshiyaatka kooxda Ridada Somalia ay dhigteen xaafada Buulo maaxaay ee degmada Kaaraan.
Howlgalkan waxey Mujaahidiintu ku dileen Labo askari oo ka tirsan maleeshiyaatka Ridada waxeyna isbaaradaan aheed mid si aad ah maleeshiyaatka dowlada federaalka dhac iyo dhibaatooyin kale ay ugu geysan jireen dadka iyo gaadiidka safarka ah.
Calamada.com