Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax aad uxooggan oo saaka aroortii hore deegaan katirsan gobolka Sh/hoose lagula beegsaday saraakiil caddaan ah iyo kuwa katirsan Dowladda Federaalka.
Sida wararku sheegayaan waxaa qaraxa ku dhintay illaa 4 askari oo katirsan maleeshiyaadka Bangaraafta ee lagu tababaray saldhigga Balidoogle iyo sarkaal caddaan ah oo qeyb ka ahaa sedax sarkaal caddaan ah oo ku safrayay deegaanka Tixsiile.
War rasmi ah oo kasoo baxay taliska ciidanka Shabaabul Mujaahidiin ayaa lagu xaqiijiyay in taliyihii maleeshiyada Danab Axmed Beeryare iyo taliyaha guutada 7aad Jeneraal Axmed Gaashaan ay si xun ugu dhaawacmeen qaraxa waxaana ladhigay isbitaal kuyaal xerada Xalane.
ilo wareedyo ayaa sheegaya in taliyaha maleeshiyaadka Danab uu labada lugood ka go’ay waxaana laga dayrinayaa xaaladdiisa caafimaad.
Wararka ayaa intaas ku daraya in uu burburay gaari Cabdi Bile ah oo ay la socdeen askarta iyo saraakiisha lagu qarxiyay deegaanka Tixsiile.
Saraakiisha ladilay iyo kuwa lagu dhaawacay weerarkii maanta ayaa mas’uul ka ahaa weeraro habeen dheelmad ah oo lagu dilay shacab rayid ah kuwaas oo sanadkii lasoo dhaafay ka dhacay deegaanno katirsan Sh/hoose.