Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weeraro saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay deegaanno ka kala tirsan wilaayaatka Shabeelada hoose iyo Jubbada hoose.
Howlgalka hore oo dagaal toos ah waxey ciidamada Mujaahidiintu ku qaadeen saldhiga ciidamada Kufaarta Kenya ee deegaanka Husingow ee wilaayada Jubbooyinka.
Ciidanka Mujaahidiinta ayaa dhowr jiha ka weeraray saldhiga waxaana dhawaaqa rasaasta dagaalka si aad ah looga maqlayay deegaano ka tirsan Jubbooyinka.
Isla deegaanka Husingow waxey ciidamada Mujaahidiinta galinkii dambe ee shalay tiro madaafiic ah ku garaaceen saldhiga Kufaarta Kenya ee Husingow waxeyna madaafiicda ku dhaceen gudaha saldhiga.
Uura madow ayaa ka kacday saldhiga taasi oo muujineysa in khasaara xoogan Kufaarta Kenya lagu gaarsiiyay duqeynta Mujaahidiintu ay la beegsadeen saldhigaas.
Wararka ka imaanaya deegaanka Hoosingoow ayaa sheegaya in shalay gelinkii dambe weerar madaafiic ah lagu qaaday saldhig ay ku sugnaayeen ciidamada gummeysiga Kenya.
Dadka deegaanka ayaa sheegay in ay maqlayeen jugta dhowr madfac oo ku hoobanaya gudaha saldhigga ciidanka Kenya ee Hoosingoow balse lama oga khasaaraha ka dhashay.
Weeraradan culus ee ka dhacay deegaanka Husingow waxey kusoo aadayaan xilli shalay saacadihii lasoo dhaafay ciidamada Mujaahidiintu dagaal culus ku qaadeen saldhiga maleeshiyaatka Ridada ee deegaanka Kulbiyow ee isla wilaayada Jubbooyinka.
Inta la xaqiijiyay dagaalkaas waxaa lagu dilay Labo askari oo ka tirsanaa maleeshiyaatka Ridada ee Saliibiyiinta Kenya kula sugan deegaanka Kulbiyow.
Dhinaca kale weerar madaafiic ah ayey Mujaahidiintu ku qaadeen garoonka diyaaradaha macmalka degmada Baraawe ee Wilaayada Sh/hoose oo ay saldhig ka sameysteen ciidamada Kufaarta Uganda.
ilo wareedyo ayaa sheegaya in madaafiicda ku hoobatay garoonka Baraawe ay halis geliyeen diyaarad saad usidday ciidamada Kufaarta Afrikaanta oo xilliga duqeynta taagneed garoonka Baraawe.
Howlgaladan ka kala dhacay Jubbooyinka iyo Shabeelada hoose ayaa kusoo aadaya xilli ciidamada Mujaahidiintu ay sii kordhiyeen weerarada ka dhanka ah Kufaarta iyo Murtadiinta.
Calamada.com