Ciidamo aad u qalabaysan oo ka tirsan xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab ayaa weerar culus ku qaaday saldhigga ciidamada kuffaarta Kenya ee deegaanka Jiira Luuq ee gobolka Mandheera.
Ciidanka Mujaahidiintu waxey si gaar ah u beegsadeen saldhiga ciidanka Kenya ee deegaanka Jiira qaali, Waxa uu saldhiga si gaar ah fariisin ugu ahaa ciidamada Kaydka ee Kenya, Waxaana lasoo wariyay khasaare kala duwan oo cadowga soo gaaray.
Ciidamada Mujaahidiinta ayaa kala eryay askartii Kufaarta Kenya ee ku sugnaa gudaha deegaankaas waxeyna Mujaahidiintu si buuxda ula wareegeen gacan ku heynta deegaanka Jiira-Qaali.
Wararka waxey intaas ku darayaan in ciidamada Mujaahidiintu ay gubeen xaruntii shirkada isgaarsiinta dowladda Saliibiyadda Kenya ee Safaaricom ee ku tiillay deegaanka Jiira qaali, taas oo ahayd shirkad wayn oo gobolka xoog wayn ku leh.
Ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in shirkadda isgaarsiinta ee ay Mujaahidiintu gubeen ay anteenada siin jirtay deegaammo badan. Waxa uuna weerarkan kusoo aadayaa xilli Mujaahidiintu sii kordhiyeen howlgalada ka dhanka ah dowladda Saliibiyadda Kenya.
Calamada.com