Fagaare kuyaal deegaan hoos yimaad degmada Qoryooleey ee Sh/hoose ayaa maanta gelinkii dambe lagu dilay nin saaxir ah oo dad badan ku dhibaateeyay sixir.
Maxkamadda wilaayada Islaamiga Sh/hoose ayaa xukun dil ah ku ridday nin 50 sana jir ah kaas oo lagu magacaabi jiray Abuukar Xaaji Cumar.
Ninkan dambiilaha ah ayaa maxkamadda horteeda ka qirtay in uu muddo 5 sana ah oo ku shaqeysanayay sixirka islamarkaana uu ku dhibaataynayay dad muslimiin ah, qaadiga Maxkamadda ayaa goobtii uu dilku ka dhacayay ka akhriyay xadka saaxika oo ah dil.