Ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa weerar qorsheysan ka fuliyay duleedka degmada Jannaale oo ka tirsan Wilaayada Shabeelada hoose.
Weerarkan waxey ciidamada Mujaahidiinta la beegsadeen maleeshiyaat ka tirsan kooxda Ridada Somaliya kuwaasi oo doonayay iney isbaaro dhigtaan duleedka degmadaas.
Ciidamada Mujaahidiinta ayaa howlgalkaas ku dilay Saddex askari oo Murtadiin ah waxeyna sidoo kale ganiimeysteen hubkii ay wateen Saddex-daasi askari.
Dhanka kale weeraro culus ayaa lala beegsaday kolanyo ka tirsan Kufaarta Xabashida Itoobiya oo muddo bil ka badan ku socdaalaya wadada isku xirta degmooyinka Bardaale iyo Qansaxdheere oo ka wada tirsan Wilaayada Baay iyo Bakool.
Kolanyada Amxaarada Xabashida ah ayaa weeraradii u dambeeyay ku waayay saraakiil askar iyo gaadiid kala duwan.
Calamada.com