Fagaare kuyaal degmada Ceelbuur ee gobolka Galguduud bartamaha dalka Soomaaliya waxaa shalay ka dhacay xukun qisaas ah oo lagu fuliyay nin gacan ku dhiig leh ah oo fal dil ah horay ugeystay.
Maxkamadda wilaayada islaamiga Galguduud ayaa xukun ah ku ridday nin lagu magacaabi jiray Max’med Jiinoow Jimcaale oo bishii ramadaan ee lasoo dhaafay gudaha degmada Ceelbuur ku dilay nin la oran jiray Cabdullaahi Daahir Cali.
Ehellada ninkii uu horay udilay gacan ku dhiigle Max’med Jiinoow ayaa qisaas dalbaday sidaas ayaana goob fagaare ah loogu qisaasay gacan ku dhiiglaha.
Wilaayaadka islaamiga ah ee ka jira gobollo dhaca Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya ayaa tadbiiqiya ku dhaqanka Shareecada Islaamka waxayna dadku ku heleen ammaan iyo kala dambayn.