Wararka ka nagasoo gaaraya gobolka Sh/Hoose ee dhaca Koonfurta dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in tobaneeyo askari Yugaandheys ah lagu dilay weerar gaadma ah oo Al Shabaab qaadeen.
Ugu yaraan 15 Askari oo katirsan Ururka Midowga Afrika ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen dagaal culus oo xalay ka dhacay gudaha iyo hareeraha magaalada Marka.
War rasmi ah oo kasoo baxay Al Shabaab ayay ku sheegtay in ciidamadeedu ay ciidamo Yugaandheys ah udhigeen weerar dhabbagal ah xilli ay isku dayayeen in ay gurmad ufidiyaan ciidamada Dowladda Federaalka oo xilligaas weerar xooggan kala kulmayay Al Shabaab.
“Ciidamada Mujaahidiinta ayaa 15 askari oo katirsan Kufaarta Yugaandha ku dilay dagaal ka dhacay magaalada Marka, ciidamada gaalada ayaa ku dhacay dabin kadib markii ay isku dayeen in ay dhabar jabin ku sameeyaan mujaahidiinta oo xilligaas dagaal uga jiray xarumaha murtadiinta gudaha magaalada” ayaa lagu yiri war ay baahisay idaacadda Andalus.
Warar madax banaan ayaa xaqiijinaya in Meydadka ciidamo Yugaandheys ah la geeyay deegaanno dhaca duleeyada magaalada Marka oo ay gacanta ku hayaan dagaalyahanada Shabaabul Mujaahidiin.