Camaliyaddan Istish-haadiyada ah waxaa lagu weeraray Saldhiga maleeshiyaatka Maamulka Ridada Kaabul ay ka sameysteen deegaan dhaca duleedka magaalada Lashkar-Jaah oo ah xarunta Wilaayada Helmand.
Camaliyaddan waxaa fuliyay Mujaahid lagu magacaabo Raxiimullaahi Cubeydah oo ka tirsanaay Katiibada Istish-haadiyiinta Imaarada Islaamiga Afghanstan kaasi oo gaari miineysan oo uu ka xeynayay Bartamaha kala galay Saldhigaasi ciidan.
Warbaahinta Imaarada Islaamiga Afghanistan ayaa baahisay in Camaliyaddaasi Istish-haadiyada ah lagu dilay 37 Askari oo ay ku jiraan saraakiil sar sare oo ka tirsan Daba dhilifka Kaabul,waxaana lagu dhaawacay 11 askari oo ah isla maleeshiyaatka maamulka Murtad Ashraf Gani.
Sidoo kale Weerarkan Istish-haadiyada ah waxaa lagu burburiyay Lix gaari oo isugu jirta noocyada kala duwan ee gaadiidka dagaalka kuwaasi oo xilliga weerarka yaalay gudaha saldhiga.
Camaliyaddan Istish-haadiyada ah oo qeyb ka ah Xamlo dagaaleedka Al-khandaq ayaa kusoo aadaysa xilli ciidamada Mujaahidiinta Dhaalibaan ay sii kordhiyeen weerarada ka dhanka maleeshiyaatka Maamulka Ridada Kaabul oo indho u ah gaalada Mareykanka uu horkacaya ee duulaanka ku joogta dalkaasi.
Calamada.com