Kadib Maalmo kadeed daran lagu hayay shacabka kunool magaalada Muqdisho waddooyinkiina laga xiray ayuu ugu dambeyn R/wasaaraha dowladda Xabashida Itoobiya soo gaaray magaalada Muqdisho.
Kumamanaan askari oo isugu jira AMISOM iyo kuwa dowladda Federaalka ayaa lagu daadiyay wadada makka Al Mukarrama si ay u sugaan ammaanka Abeey Axmed R/wasaaraha Itoobiya.
Ciidamada waddooyinka lagu daadiyay waxaa kamid ah Itoobiyaan qeyb ka ah shisheeyaha magaca AMISOM ku jooga Soomaaliya.
Wafdiga uu hoggaaminayo R/wasaaraha Itoobiya ayaa loo gelbiyay dhanka xarunta Madaxtooyada halkaas oo uu kulamo kula leeyahay Madaxda ugu sarraysa DF-ka sida Farmaajo iyo Xasan Cali Kheyre.
Abeey Axmed Markii uu kasoo degay garoonka diyaaradaha Muqdisho waxaa isku gedaamay ciidamo Itoobiyaan ah oo salaan sharaf iyo music-ga calanka Itoobiya utumay.
Ciidamada Itoobiyaanka ee gudaha garoonka diyaaradaha Muqdisho kusoo dhoweeyay R/wasaarahooda ayaa kor ululayay calanka Itoobiya, arrinkaas oo khilaafsan qaranimada ay sheegato dowladda Farmaajo oo sida muuqata dabadhilif u ah gummeysiga Itoobiya.
Maamulka gobolka Banaadir ugu magacaaban DF-ka ayaa isna amray in calanka Itoobiya lagu xardho wadada makka Al Mukarrama si loogu raali geliyo Abeey Axmed.



