Ciidamo hubeysan oo ka tirsan Shabaabul Mujaahidiin waxey weerar saf ballaaran ah ku qaaday fariin maleeshiyaadka asha haado la diriirka kooxda ridada soomaaliya ay ku leeyihiin xaafada ceymiska degmada yaaqshiid ee magaalada caasimada ah ee muqdisho.
Goobjoogayaal ayaa sheegay in xaafadda Ceymiska laga maqlay dhawaqa rasaasta iyo Takbiirta Mujaahidiinta ee dhaceysa saldhigii xalay weerarka lagu qaaday. Xilli maleeshiyaadka weerarka lagu kadiyay.
Saraakiisha ciidamada Mujaahidiinta ayaa iyaguna warbaahinta islaamiga ah u xaqiijiyay In weerarkii lagu qaaday saldhiga maleeshiyaadka Asha haado la diriirka PST isku yeera ku lahayeen xaafada Ceymiska ee degmada Yaaqshiid laga gaaray ujeedkii laga lahaa Islamarkana maleeshiyaadkaas khasaare la gaarsiiyay.
Maleeshiyaadkan xalay weerarka lagu qaaday ayaa dhibaato fara badan ku hayay shacabka Muslimiinta ee ku dhaqan degmada Yaaqshiid waana taas mida keentay in la bartilmaameedsado maleeshiyaadkan.
Dhinaca kale Ciidamada Mujaahidiinta Wilaayada islaamiga ee Banaadir ayaa weerar ku qaaday habeen hore saldhiga maleeshiyaadka Murtadiinta ay ku leeyihiin degmada Howl-wadaag ee Magaalada Muqdisho.
Dhawaqa rasaasta labada dhinac ee Xaqqa iyo Baadilka ayaa laga maqlay Degmada Howl-wadaaga waxaana ciidamada Mujaahidiinta ay beegsanaayeen kaliya goobta ay weerarka ku qaadeen halka maleeshiyaadkana ay rasaas aan loo meel dayin u ridayeen dhinac kasta.
Ciidamada Mujaahidiinta ee ka howlgala Magaalada Muqdisho ayaa sarre u qaaday weerarada ay ku hayan Kufaarta Iyo Murtadiinta duullaanka kusoo qaaday Diinta iyo Dadka Muslimiinta ah.
Xigasho Idaacada Islaamiga Ah Ee Andalus.
Calamada.com
Walaahi nolol aan jihaad hayni waa bakhti ilaahay haygu arsaaqo اللهم اجعلني مجاهد جواد عابد