Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin waxey weerar qorsheysan ku qaadeen isbaaro maleeshiyaatka dowlada Ridada ay dhigteen deegaanka Golweyn oo ka mid ah deegaanada dhaca duleedka degmada Buulo mareer ee gobalka Shabeelada hoose.
Idaacada Islaamiga ah ee Andalus ayaa baahisay in weerarkaasi lagu dilay Saddex askari oo ka tirsan maleeshiyaatka dowlada kuwaasi oo sidoo kale Qori laga qaatay,waxeyna ciidamada Shabaabul Mujaahidiin cagta marayeen isbaaradaasi.
Dadka deegaanka waxey dhankooda sheegeen in ciidamada Mujaahidiinta ay gacanta ku dhigeen Mooto maleeshiyaatka dowlada Ridada u taalay goobta isbaarada waxeyna Isbaaradaasi aheed mid maleeshiyaatka dowlada si aad ah ugu dhibi jireen dadka iyo gaadiidka safarka ah.
Dhanka kale weerar qarax ah ayaa lagu qaaday isbaaro maleeshiyaatka Murtadiinta ay dhigteen duleedka degmada Afgooye waxaa qaraxaasi lagu dhaawacay tiro ka tirsan maleeshiyaatka dowlada kuwaasi oo Labo ka mid ah ay dhaawacyadooda aad u culusyihiin.
Dhanka kale gudoomiyaha maamulka gaala raaca Shariif Sakiin ugu magacaaban degmada Baraawe ayaa isku day dil ka badbaaday kadib markii weerar qarax loo adeegsaday lagu qaaday hooyga uu ka deganyhaay degmada Baraawe ee gobalka Shabeelada hoose.
Calamada.com