Rag hubeysan waxey dil qorsheysan ka geysteen qeybo ka mid ah degmada Hodan ee Magaalada Muqdisho,iyadoona faahfaahin laga helayo dilkaasi.
Dilkan waxaa loo geystay sarkaal ka tirsan dowlada Ridada gaar ahaan Waaxda Canshuuraha,waxeyna ragga hubeysan sarkaalkan ka toogteen qeybaha sare ee jirka taasi oo sababtay in sarkaalka isla goobta ku Qurbaxo.
Sarkaalkan lagu dilay degmada Hodan ayaa lagu magacaabi jiray Muxamed Maxamuud Jaamac oo ku magac dheeraa Fara Buur,dilka sarkaalkan waxaa mas’uuliyadiisa sheegtay Xarakada Shabaabul Mujaahidiin.
Dilka Sarkaalkan waxa uu kusoo aadayaa xilli habeenkii xalay weeraro culus oo ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ay ka fuliyeen agagaarka Xarunta Madaxtooyada ee magaalada Muqdisho ay ku dileen inka Badan Soddon iyo Shan isugu jirta Saraakiil,askar iyo xubno kale oo ka tirsan dowlada Ridada.
Muuse Malaay.
Calamada Online.
Mogadishu, Somalia.